Dhageyso:-Dowladda Somalia oo la wareegeysa Ciidamada uu tababaray Imaaraadka xilli uu sii xumaanayo xiriirka labada dal

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay iminka wado qorsho dib u dhis loogu sameynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in xaquuqda ciidamada ay xilka saaran tahay dowladda Soomaaliya haatana ay diyaarisay qaabkii lagu bixin lahaa mushaaraadkooda.

“Runtii dowladda ayaa masuulka ah xaquuqda ciidanka waana uu socdaa qorshihii ay mushaarkooda ku heli lahaayeen xil ayaana dowladda ka saaran ciidamada meel walba ay joogaan kuwa ku jira xerada Janaraal Golden oo ay Imaaraadka tababareen dowladda ayaa la wareegeysa mushaaraadkooda waana la diyaariyey lambaradooda iyo mushaarkooda waxana ku aadin doonaa 12 Apriil oo ah markii la’aas-aasay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ayuu yiri Wasiir Mursal”

Waxa uu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay uga mahad celinayaan tababarka ay ciiamada dowladda siiso laakin xaquuqdooda iyo daryeelkooda ay masuulka tahay dowladda Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku aadaya xili uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka,waxana maalma kahor ay dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigtay lacag Imaaraadka uu leeyahay oo agareysay 9.6 Malyan oo Dollar taas oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media