Dhageyso:-Dowladda Qatar oo dayacday dhaawacyadii ay u qaaday Suudan ee qarixii Zoobe

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Qatar ay dayacday dadkii ku dhawacymay qarixii Zoobe oo ay u qaaday dalka Suudan.

Xildhibaan Sacdiyo Xaaji oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in dadkii dhaawacyada ahaa oo ay dowladda Qatar u qaaday suudaan ay aheyd shirqool ay dowladda Qatar u dhigtay Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in dhibaatada gaartay dadkaas aawgeed haatan la bilaabay in dadkaas dalka Suudaan loogu gurmado isla markaana lacago loogu diro iyada oo sheegtay in ay cambaareyneyso dowladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa waxa ay ka mid tahay dowladihii u soo gurmaday Shacabka Soomaaliya markii ay dhacday musiibadii Zoobe balse waxaa la sheegayaa in dadkaas ay dayacday dowladda Qatar,isla markaana aysan helin Daryeel Caafimaad.

Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sacdiyo Xaaji.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media