Dhageyso:-Dowladda oo shaacisay cidda ka dambeysay afduubka Haweeney u Shaqeyneysay Hay’adda ICRC

Xalay Muqdisho waxaa lagu afduubtay Haweeney Ajnabi ah oo u Shaqeyneysay Hay’adda lagu Magacaabo ICRC,waxaana haatan dowladda Soomaaliya ay shaacisay cidda ka dambeysay afduubkeeda.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in haweeneydaas oo u dhalatay dalka Jarmaalka uu afduubkeeda ka dambeeyey mid ka mid ah ilaaladeeda oo lagu Magacaabo Maxamuud Maxamed Calas.

Waxa uu sheegay in Gaarigii ay wateen looga dabategay agagaarka Isgoyska Tarabuunka,isla markaana gaarigii baaritaano kadib ay keeneen Xarunta Damba-baarista ee CID-da.

Sidoo kale waxa uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga in Ciidamada amniga ay weli baaris wadaan halka lala aaday haweeneydaas,isla markaana wixii ka soo baxa ay soo gudbin doonaan.

Hay’adda ICRC Xarunta ay ku leedahay Magalada Geneva ee Dalka Switzerland  ayaa waxa ay soo saareen Warsaxaaafdeed ay ku cambaareeyeen afduubkaas,iyaga oo ku cadeeyey in ay aheyd Gabadhaas kalkaaliso Caafimaad oo u joogtay Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media