Dhawaan ayay aheyd markii uu soo idlaaday Waqtigii dowladda Sacuudiga ay u qabatay in ay uga baxan dalkooda dadka Ajaanibta ah ee aan heysan sharciga degnaanshaha Sacuudiga,islamarkaana lacago dheerad ah lagu soo rogay dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalidu ka mid yihiin.
Hadaba Cabdullaahi Raage Xuseen oo horay uga mid noqday Xildhibaanadii KMG,ka ahaa ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatada xiligaan heysata qaar badan oo ka mid ah soomalida ku nool dalkaasi Sacuudiga.
Ex Xildhibaan Cabdullaahi Raage Xuseen aya ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dalka in ay la yimaadaan qorsho dib loogu daad gureynayo muwaadiniinta Soomliyeed ee ku sugan Gudaha dalkaas gaar ahaan kuwa aan awoodin ku laabashada dalkooda Hooyo.
Muwaadiniinta Soomliyeed ee ku nool dalka Sacuudiga ayaa maalmahii u dambeeyay waxa ay ka cabanayeen lacago dheeri h oo lagfu soo rogay in kastoo weli dowladda Sacuudiga aysan ka jawaabin.
Hoos Ka D hageyso Codka Xildhibaan hore Cabdullaahi Raage Xuseen