Dhageyso:-Dowladda oo ku howlan bixinta deymaha lagu leeyahay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya lagu leeyahay deymo farabadan ayna ka doonayaan inta badan Wadamada Caalamka.

Waxa uu sheegay in haatan Xukuumadda Soomaaliya ay wado qorsho lagu doonayo in dowladda ay ku bixiso deyntaas taas oo loo mari doono laba qorsho oo kala ah shuruuc Caalami ah oo la adeegsado taas oo keeni karta in la cafiyo iyo in lacagtaas ay bixiso dowladda.

Dhanka kale Wasiir Beyle ayaa sheegay in dhamaan Xukuumadda Soomaaliya ay ku guuleysatay bixinta Mushaaraadka Hay’addaha kala duwan ee dowladda isla markaana aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax ku leh.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr mar ku soo cel celisay deynta lagu leeyahay iyada oo wado qorsho lagu doonayo in lacagtaas lagu bixiyo ama looga cafiyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyadda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media