Dhageyso:-Dowladda oo Guddi baara u saartay howlgalkii dadka rayidka ah lagu dilay ee Bariire

Taliyaha Ciidnka Xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in dadkii lagu dilay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellha Hoose ay ahaayeen dad rayid ah.

Waxa uu sheegay in warbixinadii horay loo dhiibay ay ahaayeen kuwo qaldan,islamarkaana dhacdadaas ay aheyd mid siqaldan u dhacday,kadib howlgal ay wadeen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Saaxiibadooda Mareykanka.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhacdaas dadka lagu laayay ay dowladda Guddi baaritaano ah u saartay,islamarkaana jawaab cad ay ka bixin doonto.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya xili Wasiirka Warafafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow,uu brta uu ku leeyahay Fcebook ku sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen Al-Shabaab,walow markii dambe uu ka saaray.

Hoos Ka Dhageyso Codka taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media