Dhageyso:-Dowladda Jabuuti oo Tababar u soo xirtay Askar ka mid noqoneysa Ciidanka booliska Soomaaliya

Waxaa Gudaha Xarunta Akeedamiyada iyo tababarka Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti ee Idiris Faarax Cabane tababar loogu soo xiray ciidamo ka mid noqon doona ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Ciidamadaan oo gaaraya 270 Askari ayaa waxa maalgelisay tababarkooda dowladda Talyaaniga,waxaana Ciidamada tababarka loo soo xirayay Goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan dowladda Jabuuti iyo ku simaha taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ahna taliye ku xigeenka ciidanka Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax.

Cabdullaahi Cabdi Faarax taliyaha Ciidanka booliska Jabuuti ayaa sheegay  in dowladda Jabuuti ay ku faraxsan tahay tababarkaan loo xoo xiray Ciidamada Booliska Soomaaliya is lamarkaana ay waqti badan geliyeen sidii ay u heli lahaayeen tababar wanagsan Ciidamadaan.

Dhinaca kale ku simaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ahna taliye ku xigeenka Booliska Jenaraal Muqtar Xuseen Afrax ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihiin dufcadii 8,aad ee ku tababarta Jabuuti kuwaas oo laga sugayo in ay soo celiyaan amiga iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codadka tababarka ciidamada loo soo xiray.

Taliyaha ciidanka Jabuuti

Ku simaha taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media