Dhageyso:-Doplamaasi sheegay in dawlada ay ku dag dagtay in ay ka hadasho Qalalaasaha khaliija

Axadii ayey aheyd marki ay Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Masar, Yemen iyo Liibiya ay ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen dawladda Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto argagixisada.

Doplamaasi  Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo kafaalooda arimaha Soomaaliya iyo Caalamka oo lahadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho isagoo ku sugam magaalada Helsinki ee wadanka Finland ayaa  sheegay in dawlada Soomaliya ay ku dagdagtay War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya kaas oo  lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayso labada dhinacba inay wada xaajood ku dhameeyaan khilaafkan.

Dowlada Soomaaliya saddexda dowladood ee Imaaraadka, Sacuudiga iyo Qatar waxay la leedahay cilaaqaad dhinacyo badan leh. Waxayna sadaxdan wadanba dhaqaale xoogan ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya.

Doplamaasi Caalin ayaa sheegay in mowqifka dawlada Soomaliya xiligan ay qaadatay uusan Albaabka ufureynin dhabaha wadahadalka ee Qalalaasaha Khaliijka maadaama buu yiri  ay habooneyd in dawlada Soomaaliya ay mowqifkeeda  la sugto   shirka wasiirada Khaliijka

Doplamaasigan ayaa ka  walwalsan saameynta ay yeelan karto go’aankan dawlada ay soo saartay hadii ay dib isaga badasho oo ay koox lasafato inay  fadeexad kunoqon karto maamulka Farmaajo .

Dhinaca kale Maxamed Maxamuud Nuur Caalin ayaa howlagalka loogu magac daray xasilinta amniga caasimada ku tilmaamay mashruuc khaldan oo lagu dagdagay balse ay aheyd buu yiri in dawlada ay dhisto aas aaska Saldhigyada 17-ka dagmo ee G/Banaadir in la xoojiyo Hey’addaha amniga in Shaqada caadiga heer maamul goboleed iyo heer federaal ah  la xoojiyo ma aheyn in hada la abuuro ciidamo gaar ah waxay keeyneysaa in uu dhumo sistamka  ciidan waa sida uu  falanqeye Caalin uu sheegay.

Halkan ka dhageyso wareysiga Doplamaasi Caalin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media