Dhageyso:-Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo markii labaad Dib loo dhigay

15 Bishaan November oo maalmo kaliya inaga xigaan ayaa qorshuhu ahaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Galmudug taas oo ay qabasan lahaayeen xildhibaanadii sheegay in ay xilkii ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Markii labaad ayaa la sheegaya in ay doorashada Madaxweynaha Galmudug dib loo dhigay waqtigii loogu talo galay. Sida uu Dalsan u sheegay Xogheyaha Guddigaas Abuukar Warsame Cali ahan Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doonto 15 Bisha soo socota ee December.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay sabab u tahay wadatashiyo ay la sameeyeen Guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo wahadalo uu Madaxweyne Farmaajo la leeyahay xildhibaanadii xilka ka qaaday madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xogheyaha Guddiga doorashada Galmudug.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media