Dowladda Soomaaliya ayaa mudo 27 Sano ah kadib shaacisay in dhawaan Diyaarada laga leeyahay dalka Kenya ee Kenya Airweys ay duulimaad toos ah ka bilaaabeyso Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ilaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Hadalkaan ayaa waxaa Warbaahinta u sheegay kadib kulan ay Magaalada Nairobi ku wada qaateen Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo dhigiisa dalkaasi Kenya Mudane James.
Wasiirka ayaa sheegay in lakulanka Madaxda Wasaarada ay aheyd mid uu ku doonayo in looga faa’’ideysto qaabka ay u Shaqeyso Wasaarada dalkaasi kenya maadaama mudo dhowr Sano ah aan aheyn kuwo dowlad la’aan ah.
Waxa uu hadalkisa intaas ku daray in Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho ilaa Nairobi ay bilaaban doonaan waxyaabihii looga hadlay kulankaasna ay qeyb ka ahaayeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka