Dhageyso:-Diyaarad ay leedahay Hay’adda WFB,oo ku dhacday degmada Garbahaareey

Diyaarad u rarneed Hay’adda WFB,ayaa Maanta ku dhacday Garoonka diyaaradaha degmada  Garbahaareey ee Xarunta  Gobolka Gedo kadib markii ay cilad soo wajahday.

Diyaaradaan ayaa sida raashin Nafaqeysan oo loogu talo galay dadka nafaqadarada heysa ee ku nool degmada Baardheere waxaana la sheegay in qeyb kamid ah diyaarada ay gubtay sida uu radio Dalsan Xarunta Muqdisho uu u sheegay gudoomiye ku xigeenka degmada Garbaahareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Waxa kaloo hadalkiisa uu intaas ku daray in Diyaarada ay markii hore ku dhacday Guri ay degan yihiin dad rayid ah balse ayna cid wax gaarsiin marka laga reebo in Diyaarada qeyb kamid ah ay gubatay sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media