Dhageyso:-Dil Toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Hargeysa & Booliska oo ka hadlay

Taliska Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa faah faahin ka bixiyay dilay Xaafada Siinay oo ka mid ah Magaalada hargeysa loogu geystay qof Shacab ah iyo howlgal ay sameeyeen.

Dilkan ayaa waxaa loo adeegsaday tooreey,waxaana la sheegay in mid ka mid ah dadka Xamaalatada ah ee ku dhaqan Hargeysa uu nin kale oo isna Xamaalatada ka mid ahaa uu tooreyda la dhacay sidaasna uu ku geeriyooday.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliland Feysal Xiis oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Hargeysa ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Isniinta Maanta ay mudo 30 Daqiiqo Gudahood ah ku soo qabteen Ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee geystay falkaas.

Afhayeenku ma uusan sheegin waxa keenay khilaafka sababay in labada Nin ee Xamaalatada ahaa mid ka mid ah toorey lagu dilo,laakin uu cadeeyay in ay ciidamadu qabteen ninkii dilka geystay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in haatan lagu xiray Saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa dhawaana Maxkamad lasoo taagi doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media