Dhageyso:-Dil ka dhacay Gobolka Sool iyo Soomaaliland oo ka hadashay

Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Gumbur Cagaare oo ka tirsan gobolka Sool waxa ay ku dileen Saddex Ruux oo  Shacab ah,waxaana Maamulka Gobolka Sool ay sheegeen in ay ku rad joogaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Cabdi kheyre Dirir Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in Gobolka Sool ay ku dhuumaaleestaan dadkii ka dambeeyay dilka dadkaas,islamarkaana ay haatan bilaabayaan baadi goobta dadka ka dambeeyay dilka dadka Shacabka ah.

Qaar ka mid ah Bulshda Gobolka Sool oo ay Dalsan la xiriirtay ayaa waxa ay sheegeen in falkaasi uu la xiriiri sababo aanooyin qabiil balse hada lagu guda jiro sidii xal looga gaari lahaa dilkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gudoomiyaha Gobolka Sool

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media