Dhageyso:-Digniin ay soo saartay Wasaarada Cadaalada Puntland

Wasaarada Cadaalada dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa bilaawday qorsho looga hortagayo Goobo la sheegay in lagu daawado waxyaabaha anshax xumada ah.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada  Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradu ay diyaar u tahay xiligaan in ay ka hortagto wax kasta oo keeni kara anshax xumo.

Waxa uu sheegay  Wasiirka in Puntland ay sidoo kale qorsheyneyso in ay sida Al-Shabaab oo kale ula dagaalanto dadka furanaya Goobaha lagu daawado waxyaabaha ansahx xumada ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Cadaalada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media