Dhageyso:-Dhisida Ciidamo Qaran waa in laga helaa Qodobadaan”Xildhibaan Sadiiq Warfaa”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iminka wada qorsho ah dhisida Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar aahn kuwo iskudhaf ah si ay ugu guuleestaan Guud ahaan amniga dalka sida horay loogu gaaray kulamo kala duwan oo lagu qabtay Gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Hadaba Shirkii Golaha Amniga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa qodobadii looga hadlay dhisida ciidamada walow la shaaciyay in dhawaan la horgeyn doono Baarlamaanka Soomaalya si ay u meel mariyaan.

Xildhibaan  Sadiiq Xirsi  Warfaa,oo ah xogheyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhisida ciidamo Qaran loo baahan yahay in ay noqdaan qodobadan soo socda..

1:- Ciidamo iskudhaf ah oo aan hal Beel kaliya aheyn islamarkaana hal hoggaan leh

2:- In ay noqdaan kuwo dhamaan dalka oo dhan laga soo xulo si ay u noqdaan kuwo mideysan.

3:- In lahelo ciidamo ay ka go’an tahay dib usoo celinta qaranimadii Soomaaliya.

Sikastaba dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa haatan wada qorsho ku aadan sidii loo dhisi lahaa Ciidamo iskudhaf ah kuwaas oo ahnta amniga dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media