Dhageyso:-Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka Xaafado u dhow Ex koontorool Afgooye ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii Guri halkaasi laga dhisayay ay tageen Ciidamo doonayay in ay lacag ka qaataan balse ay halkaasi tageen sidoo kale Ciidamo kale oo difaacayay sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah Dadka deegaanka.

Qof Goobta  ku sugnaa xiliga uu dagaalka dhacayay ayaa sheegay in uu goobta ku geeriyooday Milkiilihii Guriga uu dhismaha ka socday halka laba qof oo kale ay  ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Goobta dhismaha uu ka socday oo aheyd halka loo yaqaano goobtii hore ee lagu iibin jiray Daawada ayna degan yihiin dad barakacayaal ah taas oo mararka qaar keenta in dhulal la isku qabsado.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in haatan Goobtii lagu dagaalamay ay tahay mid caadi ah isla markaana isu socodka dadka iyo Gaadiidka ay tahay mid caadi ah.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga  Goobjoogaha oo dhameystiran

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media