Dhageyso:-Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolka Jubbada Hoose

Ciidamada Maamulka Goboleedka Jubbaland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxa ay ka wadaan qeybo ka mid ah Gobolka Jubbada hoose  halkaas oo deegaanka ka tirsan gobolkaas ay Gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose C/rashiid Cali Gooni oo Warbaahinta la hadlyay ayaa sheegay in Jubbaland ay haatan diyaar u tahay in ay iska dulqaado waxa uu ugu yeeray Cadawga shacabka oo uu ula jeedo Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa hadalkiisa uu intaas raaciyay in ay waajib tahay in ay iska xoreeyaan Al-Shabaab islamarkana ay ka saraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaas.

Waxa uu sheegay in haatan la diyaariyay qorshihii lagu howgelli lahaa si dadka ku nool Gobollada Jubbooyinka ay noqdaan dad wax qabsada.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media