Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya dhalinyaro Soomaaliyeed oo xalay lagu laayay xadka itoobiya ay la’wadaagto dalka Soomaliya.
Gudoomiyaha Dagmada Galisoor Xirsi Muuse Maxamed Oo Waraysi Siiyay radio Dalsan Xarunt Muqdisho ayaa Sheegay in wadada looga galay dhalinyaradaas oo watay Gaari ay Ku wadeen Qaad oo ka tegy deegaanka bandiiradlay ee gobalka Galgaduud.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray Gudoomiyaha In Saddex ka mid ah dhalinyaradaasi ay geeriyoodeen halka laba kale ay dhaawacmeen.
Waxa uu sheegay in dhacdadaan mid la mid ah ay ka dhacday deegaankaas mudo hadda laga joogo Saddex Bilood.
Ugu dambeyn gudoomiyihu mashaacin cida ka dambeysa dilka dhalinyaradaas iyo waliba sidoo kale sababta loo dilay.
Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha