Dhageyso:-Dhalinyaro in ka badan 8 Sano ku xirnaa Kenya oo ku soo wajahan Muqdisho

Dhalinyaradaan Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 4 ayaa Xabsi 8 Sano ku qaatay Xabsigii ay ku xirnaayeen oo ku yaalla Xaafada Kamiti ee Waqooyiga Magalada Nairobi Xarunta dalka Kenya.

Maxaabiistaas ayaa waxaa shalay booqasho ugu tegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) si uu ugu kuurgalo Xaaladooda,isla marakaana uu ku wareejiyey lacag iyo Dhar ay uga qeyb qaadanayaan Maalinta Ciidil fidriga.

Qaar ka mid ah Maxaabistaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in mudo todobaad kadib ay ku soo wajahan yihiin dalka Soomaaliya,iyaga oo dhameystay Xabsi 8 Sano ah.

Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) ayaa isna sheegay in Afartaan Dhalinyarada Soomaalida ah loo heystay fal la xiriira Burcad badeednimo,isla markaan ay jiraan dhalinyaro kale oo laga sideyn doono Xabsiyada kenya Bisha Agoosto ee soo socota.

Sikastaba Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxa ay qaar ka mid ah Wadamada Caalamka ay ka soo celisay dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo heystay dambiyo kala duwan kuwaas oo qaarkood dhibaatooyin loo geystay.

Hoos Ka Dhageyso Codka safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media