Dhageyso:-Dhalinyarada ku nool Beledweyne oo ka cabanaya Shaqa la’aan soo wajahday (Warbixin)

Dhalin yarada wax baratay  ee ku nool Magalada Beledweyne waxaa ay cabasha ka yihiin Shaqa la,aan  baahsan taas oo gabi ahaanba soo afjartay sahankii rajada noloshooda

10 kii sana ee ugu danbeeysay  Waxbarashada Magaladan waa ay sii kobceysay  waxaa soo badanayay Jaamacadaha iyo Machadyada Wax barashada iyadoo da,yartune ay ku dhiiradeen in ay u dareeraan goobaha Waxbarashada ,

Hase  ahaatee waxaa jirta Shaqa la’aan kuwa badan oo wax baranayay waxaa ay lumiyeen kalsoonidii ay qabeyn waayo asaagood oo horay uga aflaxay jaamacadaha kala duwan ee Magalada Beledweyne noloshooda wax horumar ah oo la taaban karo kama aysan gaarin  sababtune waa Shaqa la, aan asiibtay dhalinta gobalkan Gobolka Hiiraan.

Qaar  kamid ah dhalinyarada Magalada ku nool oo helay Shahaadada heerka Loowaad ee  Jaamacadaha Beledweyne ayaa ii waramaya,  waxeeyna iiga sheekeynayaan qaarkood xaladooda iyo waxyaabaha sababay Shaqa la,aanta

Dhalinyaradu waa ay kukala ra,yi duwan yihiin waxa sababay Shaqa la, aanta ,qaarbaa aaminsan in dhalinyaradu iskala weeynyahiin Shaqooyinka qaar,

Qaar kamid ah dhalinta ayaa eedeeyn kala dul dhacay Maamuka heer Gobol iyo heer Hirshabeele in aysan wax fursad ah siinin dhalinyarada.

 Hoos Ka Dhageyso Warbixinta uu Beledweyne ku soo diyaariyay Wariyaheena Axmad Dirir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media