Dhageyso:-Degmadii ugu dambeysay ee ku guuleysatay Sanadkii la soo dhaafay Tartanka degmooyinka G/Banaadir

Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo  tartnka Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir kaas  oo Sanad walbo la qabto.

Waxaa sanadii ugu danbeysay ku guuleysatay Degmada Boondheere oo 1-0 ku garaacday degmada Waabire kulankii ugu danbeyay ee ka dhacay Garoonka koonis Stadium Halkaas uu gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) uu ku gudoonsiiyay koob kii halkaas,b;se Maanta ayaa la filayaa inuu halkaa tago Duga Muqdisho Thapit Cabdi Maxamed  si uu  kubadda u Baaso

Waxaa tartankaan Sanadkan lagu qaban doonaa labada Garoon ee Kubadda Cagta  gobolka Banaadir ee Jaamacaddaha Stadium iyo Kan Maanta lagu furi doono ee Koonis Stadium.

Kooxaha ka kala socdo Degmada tartankaan difaacaneyso ee Boondheere iyo dagmada Kaxda oo ah ugu tii danbeysay ee Gobolka banaadir lagu soo daro kooxdeeda  lagu furi doona kulanka ugu horeeyo ee Cayaarahaan

Mar uu wareysi siiyay radio dalsan Gadoomiyaha  Cayaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan yabaroow Wiish Ayuu sheegay “in Ciyaarahan Sanad walbo la qabto looguna talagal is dhaxgalka Bulshada sanadkan lagu qaban doono labada garoon ee megaalda Muqdisho ku yaalo Jaamacaddaha iyo Koonis sidoo kalena sheegay in Ciyaaraha fudud la qaban doono”

Sidoo kale waxaa ka soo qeyb qaadan doona madaxda kooxaha ka dhisan dalka ku waas oo daawan doono xidigaha tartankaan ka qeyb qaadan doono si ay ugu soo iibiyaan kooxo hooda

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta iyo Wariye Cabdiraxmaan Axmed Faarax Sheekeye

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media