Dhageyso:-Deeq Raashin ah oo laga qeybiyay degmooyinka Cadale iyo Raaga Ceelle

Hay’adda ICRC ayaa ka bilawday qeybinta Gargaar kala duwan qaar ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmooyinka Cadale iyo Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanada ay ka maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyayaasha degmooyinka Cadale iyo Raaga Ceelle oo u waramayay Radio Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in deeqdaan la gaarsiiyay inta badan tuulooyinka degmooyinkooda hoostaga ee kuwa dhimana la rajeynayo in dhawaan la gaarsiiyo.

Maamulada degmooyinka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa siwadajir ah u sheegay in qeybtinta deeqdaasi ay ku dhacday sahabsami leh.

Deeqdaan ayaa isugu jirtay raashin, Maacuun , Dhar iyo Bacaha Roobka iyo Cadceeda laga gabaadsado.

Gudoomiyaha degmada Raaga Ceelle Yuusuf Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ay sidhameystiran u gaarsiiyeen deeqdas dadkii loogu talo galay.

Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Cadale Col. Muuse Maxamed Keli ayaa isna sheegay in ay soo gebagabeyen inta badan qeybtinta deeqdaas marka laga reebo tuulooyin yar oo uu shegay in maalmahaan dhow la dhameystiri doono.

Guud ahaan Maamulada degmooyinkaas iyo Bulshada deegaanadaas waxa ay ka mahad celiyeen deeqdaas.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Maamulada degmooyinka iyo Odayaasha Dhaqanka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media