Dhageyso:-David Concar oo gaaray Baydhabo lana kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Soomaaliya Amb David Concar kaas oo  maalmaahan ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid aha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xarunta Madaxtooyada koonfur Galbeed ee Magalada Baydhabo ayaa Safiirku waxa uu kulan ay Al-baabada u xirnaayeen waxa uu kula qaatay masuuliyiinta ugu sareysa Maamulkaas.

Markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa Saxaafada uga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media