Dhageyso:-Dagaalka ka dhaca Gobolka Galgaduud oo lagu eedeeyay Siyaasiyiin Muqdisho ku sugan

Shalay iyo saacadihii la soo dhaafay waxaa xiisado dhaliyay Gacan ka hadal waxa ay ka dhaceen qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud,taas oo badankood loo eedeynayo arimo la xiriira dhanka aanooyinka qabiil.

Hadaba Nabadoon Ciise Maxamuud Maxamed oo ka mid ah waxagaradka Gobolka Galgaduud oo wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatoyinka Colaadaha ah ee ka dhacaya Gobolka Galgaduud ay yihiin kuwo Siyaasadeed ayna ka dambeeyaan dad dano gaarbah leh.

Waxa uu sheegay Nabadoonka iyo xiisada la xiriira dhanka qabaa’ilka ah ay masuul ka yihiin dad Siyaasiyiin ah oo Xamar ku sugan kuwaas oo uu sheegay in ay dhaqaalo ku bixiyaan si ay xil u helaan.

Gaba gabadii waxa uu ugu baaqay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya in ay dagaalada ka jira Gobolka Galgaduud soo farageliyaan si xal looga gaaro dagaalada.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Nabadoonka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media