Dhageyso:-Dadka ku nool Muqdisho oo dhigay banaanbax ay uga soo horjeedeen qaraxii ka dhacay Soobe+Sawirro

Boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Galabta isugu soo baxay fagaare ku yaalla taalada Daljirka Dahsoon degmada boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

Dadkaan ayaa waxa ay aad uga xun yihiin qaraxii lagu xasuuqay dad ka badan 200 oo ruux ee shalay gelinkii dambe ka dhaca taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiye ku xigeenada Arrimaha Bulshada, Maaliyadda iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kuwaas oo dhamaantood halkaasi ku muujiyay sida ay uga xun yihiin wixii dhacay.

Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo dibadbaxa Khudbad dheer ka jeedinayay ayaa ka codsaday Shacabka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Baraha Bulshada soo geliyay Sawirada naxdinta leh ee Qaraxii soobe in ay ka saaraan cidkastana saaxibadeed ay ku wargeliso.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Shacabka looga baahan yahay in qof walba oo dereskiisa ah uu soo ogaado xaaladiisa ama uu wax ka weeydiiyo in uu ehelkooda ay wax ku noqdeen qaraxaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qof walba oo Sooamali ah ay masuuliyad ka saaran tahay cadawga dhibaatada shacabka u geysanaya in hal meel looga soo wada jeesto sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhameystiran kana Daawo Sawirrada

Gudoomiye Taabit Banaanbax

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media