Dhageyso:-Dadaalo lagu siideynayo Odayaal lagu xiray jowhar oo ka socda halkaas

Maamulka degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xal u raadinaya qaabkii lagu siideyn lahaa ilaa 34 oo ah Odayaashii dhaqanka ee ka qeybgalyay Gogoshii nabadeed ee xal loogu raadinyay beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle oo shalay Gelinkii dambe la xiray.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Maamulka degmada Cadalle Xussen Cabdulle ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka sababta ay u xireen Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ay tahay in ay ka biyo diideen amar ka soo baxay Maamulka kaas oo xal looga gaarayo dagaal Beeleedka Cadalle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xubno ka socda Maamulka degmada Cadalle ay tegi doonaan Jowhar si Odayashaas oo mudo ka badan Bil ku sugnaa Jowhar loosiidaayo.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhamestiran 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media