Sheekh Cabduqaadir Maxamed Soomoow oo ah Gudoomiyaha Golaha Culumada Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Xubno uu ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka Go’an tahay la Shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay jiraan dad dhinaca qaldan Diinta u adeegsanaya balse ka Culumo ahaan ay arintaasi ka wacyigelinayaan Bulshada Soomaaliyeed si aan loo qaldin sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin lagu haayo dadka Soomaaliyeed kuwaas oo loo diiday in ay harsadaan,Masaajida aadana ama si Nabad ah dhulkooda ugu noolaadaan basle si looga gudbo ay wacyigelin wadi doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cabduqaadir Soomoow