Dhageyso:-Dad loo qabtay dilka Gudoomiyihii hore ee D/Buulo-Burde

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysanayaal lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilkii Gudoomiyihii hore ee Degmada Buule barde ee Gobolka Hiiraan hadana ka mid ahaa Culimadda Magaalada Baladweyne.

Taliye Isaaq Cali Cabdulle ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in hada ay gacanta ku hayaan ilaa Afar ruux oo loo haysto falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalkaasi.

Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalada Dalka iyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa u taagan Xoojinta amniga Shacabka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaaya kuwa maamulada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media