Dhageyso:-Dad ku dacwoonayay Aqoonsi dhul oo been abuur ah oo gacanta lagu dhigay

Shir Jiraa’iid oo Maanta Magaalada Muqdisho uu ku qabtay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku faahfaahiyay dacwadaha la xiriira dhulalka ee ay qabato Maxkamada gobalka Banaadir.

Waxa uu sheegay En: Yariisoow in gacanta lagu dhigay shaqsiyaad sida uu sheegay ku dacwoonayay waraaqado dhul oo lagu soo sameeyay Cabdal Shideeye sidoo kalana waxa uu cadeeyay in lagu raad joogo dadka bixiya Docmintiyada been abuurka ah.

Mar uu ka hadlayay isqab-qabsiga dhulalka ayuu sheegay in ay ku lugleeyihiin Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo sida uu sheegay difaacayay dadka watay Docomiintiyada aan sharciga ahayn.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobalka Banaadir  oo kaashanaya waxaada dhulalka in ay guddi u saareen baaritaanada shaqsiyaadka sameeya warqadaha dhulalka ee sharci darrada ah isaga oo digniin u diray mas’uuliyiinta gadaal ka taagan dadka wata Docomiintiyadaas sharciga la horkeeni doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha gobolka Banaadir.