Dhageyso:-Cumar Faraweyne”Cidii ay Al-Shabaab lacag ka waayaan bambo ayay ku tuuraan”

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa maanta shacabka gobolka Nugaal uga baaqay inay nabad gelyada si adag uga shaqeeyaan islamarkaana ay ka feejignaadaan weerarada kaga imaankara dhanka  Al-shabaab.

Isga oo Saxaafada kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay  Al-shabaab inay shacabka la maleegayso shirqoolo iyo falal qaraxyo ah, sidii kii Af-urur oo kale isla markaana loo baahan yahay in laga hortago..

Waxaa kale oo guddoomiyuhu sheegay inay lasoo baxeen hab dhaqan kale oo ah inay dadka laaluush weydiistaan cidii aan siinina ay bombooyin ku tuuraan xarumahooda ganacsiga, sida uu hadalka u dhigay Cumar Faraweyne.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cumar Faraweyne