Dhageyso:-Cumar Cabdi Rashiid”Waa arrin Qatar ah in Maxkamadihii iyo Ciidamadii Qaranka Siyaasiyinta loo adeegsado”

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay weerartay Guriga Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame isla markaana ay xirtay waxaa soo badanayay ka hadalka xarigaas oo dadka badankood ay siyaabo kala duwan u micneynayeen.

Saaxiibada sidaweyn ugu dhow waxa ka mid ah isla markaana hadlay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar cabdi Rashiid Cali Sharmaake.

Cumar Cabdi Rashiid oo la hadlay Idaacdda Voa-da ayaa sheegay in waxa ay dowladda Soomaaliya wado ay tahay caburin isla markaana hadii uu ka aamuso dib loogu laaban doono wadadii burburka.

Waxa uu sheegay in hadii qiyaano qaran ay Siyaasiyiinta mucaaradka ah galeen waxa ka weyn uu yahay kan dhiibay shaqsi horay uga tirsanaa Ciidamada ee Qalbi Dhagax,isla markaana ay qatarteeda leedahay in Maxkamadihii iyo ciidamadii Qaranka in Siyaasyiinta loo adegsado.

Sidoo kale Cumar Cabdi Rashiid ayaa wax laga weeydiiyay in xiligaan uu ku howlan yahay diyaarinta iyo kicinta Xildhibaano doonaya in ay mooshin ka gudbiyaan madaxda Qaranka ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Runtii wax mooshin ah oo aan aniga ku mashquul sanahay majirto,waxaan kuu sheegayaa in xiligii aan musharaxa ahaa an taageeray farmaajo,anaga siyaasyiyiin ayaan nahay dalkaana waan soo maamulnay wixii dalka dhibanaya naga kama aamusi doono ayuu yiri Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake”

Hoos Ka Dhageyso Codka Cumar Cabdi Rashiid.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media