Dhageyso:-Culumada Gobolka Mudug oo ku baaqay in la dhaqan galiyo Heshiiskii Nabadeed ee Galmudug iyo Puntland

Shiikh Cabdiraxmaan Qoordheere oo kamid ah Culimadda Nabadoonada ah ee 24kii Sanno ee lasoo dhaafay ku hawlanaaa Dajinta Colaada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ayaa sheegay in xiligan la joojo waqtigii laga gudbi lahaa Colaadda loona gudbi lahaa nabad.

Shiikha ayaa maamuladda gobolka Mudug ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabad Galyada inta yar ee dhimana ay dhamaystiraan sidoo kalana shacabka laga doonayo inay gacan siiyaan Maamuladda.

Shiikh Qoordheere ayaa dawlada Federalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada ugu baaqay inay Dajinta Colaada Soomaaliya ay ka bilaabaan gobolka Mudug maadama ayuu yiri horay uga kacday gobolka Mudug hadana laga dajin karo.

Hadalkan ayuu sheegay xili uu ka qeybgalayay Munaasabad lagu xusayay dhalashadii Nabigeena oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media