Dhageyso:-Cuduro kala duwan oo ka dilaacay deegaanka Budbud

Maamulka deegaanka Budbud ee Gobolka Mudug ayaa faah faahin guud ka bixiyay cuduro ka dilaacay qeybo badan oo ka mid ah dadka ku nool deegaankaas.

Gudoomiyaha deegaankaas Maxamed Axmed Kulano ayaa marka hore sheegay in deegaanka ay xiligan ka jirto abaar daran taas oo saameysay dadka iyo duunyada ku nool Budbud.

Waxa uu sheegay in abaartaas ay sababtay cuduro kala duwan sida, Shuban biyood, hargab oo qandho aad u kulul wata, busbus iyo sidoo kale Jadeeco.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in deegaanka Budbud aysan laheyn Goobo Caafimaad,isla markaana meesha ugu dhaw ay tahay degmada Hobyo oo u jirta 90km.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ay dayaceen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayan waxba u qaban.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media