Dhageyso:-Ciyaarta Galabta ee kama dambesta Xulalka Jubbaland iyo Puntland

Maanta oo Jimco ah ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo tartanka kubada Cagta Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo Muqdisho ka furmay 8 Bishaan December 2017.

Ciyaartii ugu horeysay ee tartankan ayaa waxaa lagu daah furay xulal kala metelayay Gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedka Jubbland waxana xiligaas 2-0 ku soo baxay xulka gobolka Banaadir.

Galabta oo jimco ah ayaana la filaaya in tartankaas la soo gaba gabeeyo iyada oo finaalaha ay isugu soo hareen kooxo kala metelaya Dwlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhinaca farsamada iyo Maamulka ay ka Gacan siinyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta isla markaana ay dhammaan xaadir yihiin Kooxaha iyo masuuliyiinta dhanka dhalinyarada ee labada Maamul goboleed.

Boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan ayaa Jimcada Maanta isku diyaarinaya daawashada Ciyaarta Galabta halka dadka kale ay sitoos ah uga daawan doonaan Tv-yada halka kuwo kale ay ka dhageysan doonaan Idaacadaha.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media