Dhageyso:-Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo weerar qorsheysan ka fuliyey G/Baay

Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyeen howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Ciidanka AMISOM ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Buurhakaba.

Kadib kulankii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa Wasiirka Warfaafinta Maamulkaas Ugaas Xasan Cabdi Maxamed waxa uu sheegay in Ciidamada huwanta ah ay weerareen deegaanka Qeydaba oo in ka badan 20km u jira Buurhakaba.

Waxa uu sheegay Wasiirka in howlkaas lagu dilay dagaalyahano farabadan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib dagaal saacado socday oo deegaankaas ka dhacay sida uu hadalka u dhigay.

Marka laga soo tago hadalka Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ee ku aadan in ay dileyn dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weli waxaanan soo bixin Warar madax banaan oo xaqjiijinaya sheegashadaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media