Dhageyso:-Ciidamo ka tirsanaa Soomaaliland oo isku-dhiibay Puntland

Ciidamadaan ka tirsanaa kuwa Maamulka Soomaaliland ayaa ku sugnaa deegaanka Caraweyn ayaa waxa ay ku biireen Ciidamo kale oo ka tirsanaa kuwa Maamulka Puntland oo ku sugnaa  Magaalada Buuhoodle waxaan halkaasi ku soo dhaweeyay Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland.

Ciidamadan ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 160 Askari kuwaas oo horay Puntland uga goystay kuna biiray Soomaalilnd balse markale dib ugu soo laabtay Maamulka Puntland.

Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Cismaan Gar’adag  oo ka mid ahaa Saraakiishii hogaamineysay  Ciidamada soo goystay ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Maamulka Soomaaliland.

Dhinaca kle xildhibaano ka tirsan Puntland oo Maalmahaan ku sugnaa deegaanka Caraweyn ayaa waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan tallaabada ay ciidamada ugu biireen Maamulka Puntland.

Sikastaba tallaabadaan Ciidamada ka tirsanaa kuwa Maamulka Soomaaliland ay ugu biireen Puntland ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili Gobolka Sool ay weli ka taagan tahay Xiisad u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Gaashaanlaha iyo Xildhibaanada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media