Dhageyso:-Ciidamo Booliis iyo Nabad-Sugid la geynayo Goobihii  lagala wareegay Al-Shabaab​

Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dagaaladii u dambeeyay ee Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Amisom ay Al-Shabaab kula galeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Iimaan Ceynta oo Maanta shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay  in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay la wareegeen dhowr Magaalo oo ku taalla gobolkaas.

Waxa uu sheegay in deegaanada Bariire, Sabiib iyo Caanoole oo ay shalay Ciidamadu la wareegeen la geyn doono Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabad-Sugid si ay amniga deegaanadaas ula wareegaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamadu ay howgallada ay siiwadi doonaan ilaa iyo inta laga saarayo Goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

W/Q Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media