Dhageyso:-Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo sameeyay howlgal ay deegaano kula wareegeen

Howlgaladani oo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan deegaano katirsan Gobolada Shabeelooyinka ayaa waxaa Shabaab looga saarey deegaano dhowr ah oo katirsan labada Gobol.

Deegaanada ay Ciidamadaasi howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Basra,Buulo-Kuuto,Daniga Baalow iyo Deegaanka Jambaluul oo dhamaan toodi ka kala tirsan Gobolada Shabeelooyinka.

Waxaa hoggaaminaya howlagaladaasi Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/llaahi Cali Caanood iyo abaanduulaha qeybta 12ka April Janaraal  Maxmuud Maxamed Koronto kuwaasi oo ciidamada ku dhiiro geliyay in Shacabka ay ka difaacaan cadowga Umadda Soomaaliyeed.

Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ujeedada guud ee howlgaladan ay yihiin sidii Shabaab looga sifeyn lahaa waddooyinka isku xira Gobolada Shabeelada Hoose,SHabelada Dhexe iyo deegaanada ku xeeran oo inta badan Shabaab ay dadka ku dhibaateeyaan.

Howlgalkan ayaa daba joogay kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo uu sheegya in la bilaabi doono dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media