Dhageyso:-Ciidamada xasilinta oo howlgal gaar ah ku soo qabtay Hub iyo raggii watay+Sawirro

Howlgal ay Ciidamada Ammaanka gaar ahaan qeybta xasilinta xalay ka sameeyeen degmada Wartanabada ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo qabteen hub iyo rag lagu tuhmayay in ay qeyb ka yihiin Amnidarrada Magalada Muqdisho.

Saldhigga degamda Wartanada ayaa lagu soo bandhigay Raggaas iyo hubka ay wateen,waxna Goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) iyo guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey iyo Saraakiil Ciidan.

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey ayaa sheegtay in raggaas oo gaarayay ilaa 2 lagu arkay,iyaga oo watey hub Sharcidarro ah Xaafada Xamar Bile mid ka mid ahna uu hubkii tuuray halka midka kale ay Gacanta ku hayaan,isla markaana howlgalka uu sii socon doono.

“Howlgalka waxan ka sameynay Waaxda Xamar-Bile ee degmada Warnabada,waxan ku raad joognay dadka falalka amnidarro ka geysta muqdisho,ciidamadu waxa ay qabteen ruux watey hub sharcidarro ah halka mid kale uu hubkii tuuray kadibna uu baxsaday balse aan ku raad joogno ayay tiri guddoomiye Seynab.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa sheegay in amniga uu ku jiro Gacanta Shacabka,isla markaana howlgalladaas ay noqon doonaan kuwo joogto ah,isla markaana Shacabka looga baahan yahay in ay ciidamada Gacan ka siiyaan.

Waa habeenkii labaad oo Magalada Muqdisho ay ciidamada xasilinta Caasimada ay howlgallo ka sameeyaan degmooyin ka mid ah Gobolka Banaadir,waxaana habeen hore qeybo ka mid ah degmada Hodan Howlgallo laga sameeyey lagu soo qabtay in ka badan  60 mooto Bajaaj.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey.

W/Q- Cabduqaadir Jakaarta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media