Suldaan Ibraaahim Dacar Yuusuf oo ka mida ah waxgaradka gobolka Owdal ayaa ka hadlay xiisada dagaal ee u dhaxeeysa dowladdaha Jabuuti iyo dowladda Eleteria ee ka taagan Xaduuda labada dal.
Suldaanka ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in taago ka mid ah dhulka Jabuuti in ay galaan Ciidamada Eleteria islamarkaana hadii ay yihiin odayasha Dhaqanka Maamulka Soomaaliland in ay diyar u yihiin in ay garab istagaan.
Waxa uu sheegay in haatan ay diyaarinayaan ciidamo gaar ah ku was oo dagaal lagala kuwa Eleteria iyagoo garab siinaya ciidamada Jabuuti.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxweynaha dalka Eleteria in uu joojiyo dhaqdhaqaqa ciidan oo uu ka wado Xadka u dhaxeyo labada dale e Jabuuti iyo Eleteria hadii uu ka waantoobi waayana ay Gudaha dalkaas ka abuuri doonaan Jabhado la dagaalama Ciidamada Eleteria sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Dhageyso Codka