Dhageyso:-Ciidamada Soomaaliland oo lagu amray sugida amniga Qowmiyada Oromada ee ku nool deegaanadooda

Shalay qeybo ka mid ah galbeedka Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka sooamaliland waxaa lagu dilay laba nin oo ka tirsan Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya kadib markii habeen ka hor deegaanka Hawadaay ee bariga dalka Ethiopia lagu dilay 32 qof oo Soomaali ah kuwaas oo Ganacsato u badnaa.

Hadaba Cabsi ayaa soo wajahday qaar ka mid ah dadka u dhashay Qowmiyada Oromada eek u nool deegaanada Maamulka Soomaaliland waxaana masuuliyiinta Maamulkaas ay dalbanayaan in la ilaaliyo ammaanka dadkaas.

Wasiiru dowlaha Amniga Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaalilland Maxamed Muuse Diiriye oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dadka u dhashay Qowmiyada Oromada la nabadgeliyo, isaga oo Ciidamada Soomaaliland amray in dadkaas ammaankooda ay ka warqabaan.

Sikastaba Masuuliyiin u hadlay Qowmiyada Oromada ayaa iyana dhankooda wax ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin falkii dhacay isla markaana ay rajeynayaan in xal laga gaaro, sidoo kalena Gacanta lagu dhigi doono dadkii ka dambeeyay dilka 2 qof oo Soomaali ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru dowlaha Amniga Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaalilland.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media