Dhageyso:-Ciidamada Maamulka Soomaaliland oo heegan la geliyay

Maamulka Soomaaliland ayaa heegan geliyay ciidamada Booliiska ee ka howlgalla deegaanada Maamulkaas kadib markii ay soo bateen Dhalinyaro burcad ah oo geysanaya falal amnidaro.

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaalilnd ayaa waxa ka socda howlgallo ay wadaan ciidamada,waxana la sheegay in ay ciidamadu Gacanta ku dhigeen Dhalinyaro farabadan kuwaas oo lala xiriirinayo falal lidi ku ah amniga.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliiska Soomaaliland Cabdullaahi Fadalan Iimaan ayaa sheegay in ay jiraan kooxo dhalinyaro ah oo cdeystay in ay waxyeleeyaan nabadgelyada iyaag oo baaranaya dadka ama dhibaato u geysanaya.

Waxa uu sheegay in uu digniin u dirayo dhalinyaradaas cidii lagu qabtaana tallaabo Sharci ah laga qaadi doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Booliisk Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media