Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka weerar qorsheysan waxay kula wareegeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Walaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose, sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabduqaadir C/raxmaan Cali oo Wreysi siiyay Radio Dalsan Xatunta Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkaas uu si fcn u dhacay.
Sidoo kale wxa uu sheegay in weli howlgalku uu socdo Ciidamada dowladdana ay Gacanta ku hayaan deegaankaas isla markaana waxyaabihii ku soo kordha ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.
Wararka ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalkaas ay siwadajir ah ay u fuliyeen Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Cadaan ah.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiiru Dowlaha.