Dhageyso:-Ciidamada Jubbaland Oo Kismaayo ku soo bandhigay Kaluumeysato Ajnabi Ah+Sawirro

 

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay rag si sharci darro ah uga kalluumeeysanayay xeebaha gobolka J/hoose, kuwaa oo ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen.

Raggan oo ay tiradoodu gaareeyso ilaa 8 nin oo laba kamid ah ay kasoo jeeday dalka Iran halka lixda kalena ay kasoo jeedaan dalka Hindiya ayay ciidamadu gacanta ku dhigeen kadib markii doonidii ay ku kalluumeeysanayeen ay kula soo caariday xeebta Jaziiradda Kudhaa ee gobolka J/hoose.

Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Max’uud Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan ay mudo afar bilood ah si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha gobolka J/hoose, maanta ay soo qabteen kadib markii ay doon lasoo caarisay.

Waxa uu xusay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen kalluun gaaraya 300 oo tan oo ay ka jallaabteen xeebaha gobolka Jubadda hoose.

Arrintan ayaa kusoo beegmeeysa ayaadoo Soomaaliya ay si si sharci darro ah uga kalluumeeystaan maraakiib iyo doomo shisheeye kuwaa oo aysan jirin cid kula xisaabtanta falalka sharci darrada ah ee ay ku kacaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Hoosna ka daawo Sawirada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media