Dhageyso:-Ciidamada dowladda Soomaaliya oo qarax fashiliyay

Maamulka degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgal ay sheegeen in ay ku fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay suuq ku yaallo degmadaas.

Gudoomiyaha Maamulka degmada Buulo Burde Cabdi Daahir Guure ayaa Dalsan u sheegay in ciidamada amniga lagu soo wargeliyay in qarax miino lagu aasay Suuqa xoolaha lagu iibiyo oo ku yaallo degmadaas.

Waxa uu sheegay in xogta ay ciidadu ka heleen Shacabka ay suurtagashay in qaraxaas ay Ciidamadu fashiliyeen kaas oo ay geliyeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa la weeydiiyay Su’aal aheyd maadaama mudo Saacado ah ay halkaasi ku jirtay miinada waxyaabihii ay dareemeen Shacabka ayaa waxa uu sheegay in Shacabku aysan dareemin wax cabsi ah isla markaana ay howshoodii caadiga aheyd ay wateen.

Dhowr mar ayaa waxaa Al-Shabaab ay miinooyin waxa y ku aaseen Gudaha iyo daafaha degmada Buulo Burde kuwaas oo ku waxyeeloobeen Ciidamo iyo Dad Shacab ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha degmada Buulo Burde.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media