Dhageyso:-Ciidamada Dowladda oo abaabul dagaal ka wada G/Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa iminka ku jira diyaar garoowgii u dambeeyey ee ku aadan la wareegitaanka deegaanka leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanka leego ayaa waxaa Gacanta ku haya dagaalyahanada Al;-Shabaab oo la wareegay kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo horay ugu sugnaa.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolada Baay & Bakool ayaa waxa ay sheegeen in haatan uu socdo qorshihii u dambeeyey ee howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Abaaduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 60aad Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaanada Koonfur Galbeed ay ka saacidi doonaan Saraakiil Mareykan ah oo ku sugan Magalada Baydhabo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgalkaas ay siwadajir ah u fulin doonaan Cidiamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa  Maamulka Koonfur Soomaaliya sigaar ah qabsashada deegaanka leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoos Ka Dhageyso Codka Abaaduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 60aad Ismaaciil Khaliif Shire.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media