Dhageyso:-Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo ku wajahan deegaanka leego

Ka dib markii 4tii bishaan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ay isaga soo bexeen deegaanka Leego,isla markaana deegaankaasi ay la wareegeen Al-shabaab ayaa waxaa socda howlgal lagu doonayo in dib loo qabsado deegaankaasi.

Gudoomiyaha deegaanka Leego Abuukar C/laahi Isxaaq (Al-Cadaala) oo la hadlay idaacada Dalsan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqooda uu marayo meeshii ugu danbeysay isla markaana gacanta ku dhigi doonaan deegaankaasi oo hadda ku sugan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu  hoosta ka xariiqay in ay la kaashan doonaan howlgalka dib ula wareeegida deegaanka leegu ciidanka xooga dalka ciidanka booliiska gaarka iyo Amisom isagoo ka gaabsaday in uu sharaxo xiliga uu dhacay howlgalkooda.

Hoos Ka Dhageyso warbixin uu Afgooye ka soo diray Wariyaheena Maxamed Cusmaan Ma’da

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media