Dhageyso:-Ciidamada amniga Soomaaliya oo qabtay 12 qof oo dhac u geysan jiray dadka Shacabka ah

Howgal ay Ciidamada amniga degmada Afgooye ay sameeyeen saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Kooxo hubeysan kuwaas oo mararka qaar falal amnidaro ah ka geysan jiray Xaafadaha degmadaas.

Taliyaha Saldhiga degamada Afgooye C/risaaq Aadan oo la hadlay Warqabadka Radio Dalsan ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in howlgalladii u dambeeyay lagu qabtay 12 qof oo falal ay dhac ka mid yihiin dadka u geysan jiray Gacanta lagu dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta uu soo diray Wariye Maxamed Cusmaan Ma’da