Dhageyso:-Ciidamada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay rag dhac ka geystay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Maamulka degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay laba Ruux oo lagu eedeeyey in ay dhac u geysanayeen Shacabka ku nool xaafado ka tirsan degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

Raggaan la soo bandhigay ayaa watey Bustoolad been abuur ah oo laga sameeyey Alwaax,waxaana  sidoo kale Goobta lagu soo bandhigay qaar ka mid ah Mobeeladii ay dadka Shacabka ah ka dhaceyn.

Goobta lagu soo bandhigayay ragaas waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho En,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,gudoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey,iyo saraakiil ka socotay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey ayaa sheegtay in shacabka ku nool Xaafadaha degmada Wartanadbada ay ka qeyb qaateen soo qabashada raggaas burcad ah,iyada oo uga mahadcelisay dadaalkii ay sameyeen,waxa ayna kula dardaarantay in marwalba ay la Shaqeeyaan Ciidamada Amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho En,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa waxa uu uga mahadceliyey shacabka Degmada Wartanabada sidii ay uga qeyb qaateen soo qabashada raggaas Burcad ah,waxaana ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan la Shaqeynta dowladda,isla markaana raggaas cadaalada lahorgeyn doono.

Sikastaba tiro dhowr jeer ayaa howlgallo ay ciidamada booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir waxa ay ku soo qabteyn rag sidaan oo kale dhac uga geysanayey degmooyinkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codadka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media