Dhageyso:-Ciidamada Ahlusunna oo Gacanta ku dhigay Askari dilay Qof Shacab ah

Duhurnimadii Maanta ayaa waxaa Magaalada dhuusa Mareeb uu Askari ku dilay qof Shacab ahaa kadib markii ay wada murmeen.

Qofka la dilay ayaa ahaa Darawal,waxana la sheegay in muran kadib uu Askari Goobtii ku toogtay Darawalkii basle dhaawac soo gaaray uu u geeriyooday.

Wariyaha Radio Dalsan ee Magaalada Dhuusa Mareeb Maryan Mire Axmed ayaa wax ay soo sheegeysaa in Askarigii ka dambeeyay dilka qofka Shacabka ahaa ay Ciidamada Ahlusunna Gacanta ku dhigeen.

Magaalada Dhuusa Mareeb oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamada kala duwan marka laga reebo kuwa Ahlusunna oo horay u maamulayay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wariyaheena Maryan Mire Axmed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media